The Quran

القرآن الكريمAbdullah Hasan Yaqoub

The Opening · al-Fatihah · سورة الفاتحة · 7 ayahs

بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ

Waxaan Ku billaabi Magaca Alle, Naxariistaha (Naxariis guud ahaaneed), Naxariista badan.

الْحَمْدُ لِلَّهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ

Ammaan idilkeed iyo mahad waxaa leh Allaah, Rabbiga uumanka.

الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ

Naxariistaha (Naxariis guud ahaaneed), Naxariista Badan.

مَالِكِ يَوْمِ الدِّينِ

Boqorka Maalinta Jaazeynta.

إِيَّاكَ نَعْبُدُ وَإِيَّاكَ نَسْتَعِينُ

Adigoo Keliya baynu (Allow) ku caabudi, oo Adigoo Keliya baynu ku weydiisan kaalmo.

اهْدِنَا الصِّرَاطَ الْمُسْتَقِيمَ

Nagu hanuuni (oo sug) Jidka Toosan.

صِرَاطَ الَّذِينَ أَنْعَمْتَ عَلَيْهِمْ غَيْرِ الْمَغْضُوبِ عَلَيْهِمْ وَلَا الضَّالِّينَ

Jidka kuwa aad u Nicmaysay, aan aheyn (jidka) kuwa loo cadhooday iyo (jidka) kuwa lunsan midna.