An-Nur 24:35

Compare 2 Somali translations

اللَّهُ نُورُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ ۚ مَثَلُ نُورِهِ كَمِشْكَاةٍ فِيهَا مِصْبَاحٌ ۖ الْمِصْبَاحُ فِي زُجَاجَةٍ ۖ الزُّجَاجَةُ كَأَنَّهَا كَوْكَبٌ دُرِّيٌّ يُوقَدُ مِنْ شَجَرَةٍ مُبَارَكَةٍ زَيْتُونَةٍ لَا شَرْقِيَّةٍ وَلَا غَرْبِيَّةٍ يَكَادُ زَيْتُهَا يُضِيءُ وَلَوْ لَمْ تَمْسَسْهُ نَارٌ ۚ نُورٌ عَلَىٰ نُورٍ ۗ يَهْدِي اللَّهُ لِنُورِهِ مَنْ يَشَاءُ ۚ وَيَضْرِبُ اللَّهُ الْأَمْثَالَ لِلنَّاسِ ۗ وَاللَّهُ بِكُلِّ شَيْءٍ عَلِيمٌ

القرآن الكريم

DragHold to move · × to hide

Alle waa Nuuriyaha samooyinka iyo arlada, tusaalaha Nuurkiisa waa sida feynuus uu ku jiro nal, nalkuna uu ku jiro dhalo, dhaladana la moodo xiddig kaah badan, laga huriyey geed barakaysan, geed-zaytuun aan bari ahayn iyo galbeed midna, ay saliiddiisu u dhowdahay inay iska ifto walow uusan dab taaban, nuur lagu kordhiyey nuur, Alle wuxuu ku hanuuniyaa Nuurkiisa qofkuu doono. Alle wuxuu u yeelaa tusaalooyin dadka. Alle wax walba waa Og yahay.

Abdullah Hasan Yaqoub

Eebe waa Nuuriyaha Samooyinka iyo Dhulka, Nuurkiisu wuxuu la mid yahay Daaqad Misbaax ku Jiro Misbaaxuna ku Jiro Dhalo, Dhaladana aad Mooddo Xiddig lfi lagana Huriyey Geed la Barakeeyay oo ah Zaytuun (Saliidd leh) oon bari iyo Galbeed midna ahayn, waxayna u Dhawdahay Saliideedu inay iska Ifto Yuuna Taabaninba Dabe, waa Nuur lagu kordhiyay Nuur, wuxuuna ku Hanuuniyaa Eebe Nuurkiisa Cidduu Doono, wuxuuna u Yeelaa Eebe Dadka Tusaale, Eebana wax kasta waa Ogyahay.

Mahmud Muhammad Abduh