سَبَّحَ لِلَّهِ مَا فِي السَّمَاوَاتِ وَمَا فِي الْأَرْضِ ۖ وَهُوَ الْعَزِيزُ الْحَكِيمُ
Waxaa xurma weyneeya oo ka hufa (ceeb iyo nuqsaan) Alle waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Waana Adkaadaha, Xakiimka ah.
بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ
Waxaan Ku billaabi Magaca Alle, Naxariistaha (Naxariis guud ahaaneed), Naxariista badan.
سَبَّحَ لِلَّهِ مَا فِي السَّمَاوَاتِ وَمَا فِي الْأَرْضِ ۖ وَهُوَ الْعَزِيزُ الْحَكِيمُ
Waxaa xurma weyneeya oo ka hufa (ceeb iyo nuqsaan) Alle waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Waana Adkaadaha, Xakiimka ah.
هُوَ الَّذِي أَخْرَجَ الَّذِينَ كَفَرُوا مِنْ أَهْلِ الْكِتَابِ مِنْ دِيَارِهِمْ لِأَوَّلِ الْحَشْرِ ۚ مَا ظَنَنْتُمْ أَنْ يَخْرُجُوا ۖ وَظَنُّوا أَنَّهُمْ مَانِعَتُهُمْ حُصُونُهُمْ مِنَ اللَّهِ فَأَتَاهُمُ اللَّهُ مِنْ حَيْثُ لَمْ يَحْتَسِبُوا ۖ وَقَذَفَ فِي قُلُوبِهِمُ الرُّعْبَ ۚ يُخْرِبُونَ بُيُوتَهُمْ بِأَيْدِيهِمْ وَأَيْدِي الْمُؤْمِنِينَ فَاعْتَبِرُوا يَا أُولِي الْأَبْصَارِ
Waa Kan ka saaray kuwaa gaaloobay ee ka mid ahaa Ehlu Kitaabka daarahooda kulmintii hore. Ma aydaan maleyneyn inay baxayaan, halka iyagu moodayeen inay dhufaysyadooda ka celinayaan Alle. Wuxuuse Alle uga yimid meel aysan marnaba filayn, kuna tuuray argagax quluubtooda, sidaa awgeed waxay ku baabbi’iyeen guryahooda gacmahooda iyo gacmaha mu'miniinta, ee ku cibrad qaata kuwiinaan Indheer garadka ahow.
وَلَوْلَا أَنْ كَتَبَ اللَّهُ عَلَيْهِمُ الْجَلَاءَ لَعَذَّبَهُمْ فِي الدُّنْيَا ۖ وَلَهُمْ فِي الْآخِرَةِ عَذَابُ النَّارِ
Haddaanu Alle u qaddarin guuritaanka, Wuxuu ku cadaabi lahaa adduunkan, Aakhirana waxay leeyihiin cadaab Naar ah.
ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمْ شَاقُّوا اللَّهَ وَرَسُولَهُ ۖ وَمَنْ يُشَاقِّ اللَّهَ فَإِنَّ اللَّهَ شَدِيدُ الْعِقَابِ
Sidaas waxaa u sabab ah waxay colaadiyeen Alle iyo Rasuulkiisa. Qofkii colaadiyana Alle, hubaal Alle wuu daran yahay ciqaabkiisu.
مَا قَطَعْتُمْ مِنْ لِينَةٍ أَوْ تَرَكْتُمُوهَا قَائِمَةً عَلَىٰ أُصُولِهَا فَبِإِذْنِ اللَّهِ وَلِيُخْزِيَ الْفَاسِقِينَ
Geed timreed kastoo aad goyseen ama aad ka tagteen iyadoo ku taagan jirriddeeda, waa Idanka Alle, iyo si uu u dufeeyo caasiyaasha.
وَمَا أَفَاءَ اللَّهُ عَلَىٰ رَسُولِهِ مِنْهُمْ فَمَا أَوْجَفْتُمْ عَلَيْهِ مِنْ خَيْلٍ وَلَا رِكَابٍ وَلَٰكِنَّ اللَّهَ يُسَلِّطُ رُسُلَهُ عَلَىٰ مَنْ يَشَاءُ ۚ وَاللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ
Wixii (maal ah) Alle uga soo ceshay Rasuulkiiisa xaggooda (Yuhuuddii reer Nadheer) - uma aydaan qaadin duullaan aad ku dagaal gasheen fardo ama rakuub midna, wuxuuse Alle ku sallidaa Rusushiisa cidduu doono. Alle wax walba wuu Karaa oo awood u leeyahay.
مَا أَفَاءَ اللَّهُ عَلَىٰ رَسُولِهِ مِنْ أَهْلِ الْقُرَىٰ فَلِلَّهِ وَلِلرَّسُولِ وَلِذِي الْقُرْبَىٰ وَالْيَتَامَىٰ وَالْمَسَاكِينِ وَابْنِ السَّبِيلِ كَيْ لَا يَكُونَ دُولَةً بَيْنَ الْأَغْنِيَاءِ مِنْكُمْ ۚ وَمَا آتَاكُمُ الرَّسُولُ فَخُذُوهُ وَمَا نَهَاكُمْ عَنْهُ فَانْتَهُوا ۚ وَاتَّقُوا اللَّهَ ۖ إِنَّ اللَّهَ شَدِيدُ الْعِقَابِ
Wuxuu Alle uga soo celiyo Rasuulkiisa dadka magaalooyinka 'dagaal la'aan', waxaa leh Allaah, Rasuulka, qaraabada dhow 'ee Rasuulka', agoomaha, masaakiinta iyo socotada 'go'doonsan', si uusan (maalku) u ahaan wax ku wareegeysta oo keliya kuwiinna hodanka ah dhexdood. Wuxuu Rasuulku (amar) idin (ku) siiyo qaata, wuxuu idinka reebona ka jooga, oo dhowra (amarrada) Alle. Hubaal, Alle wuu Daran yahay Ciqaabkiisu.
لِلْفُقَرَاءِ الْمُهَاجِرِينَ الَّذِينَ أُخْرِجُوا مِنْ دِيَارِهِمْ وَأَمْوَالِهِمْ يَبْتَغُونَ فَضْلًا مِنَ اللَّهِ وَرِضْوَانًا وَيَنْصُرُونَ اللَّهَ وَرَسُولَهُ ۚ أُولَٰئِكَ هُمُ الصَّادِقُونَ
(Waxaa wax ku leh maalkaa) saboolka ka soo haajiray guryahooda iyo maalkooda iyagoo raadinaya Fadli xag Alle ah iyo raallinimodiisa, una gargaaraya Alle iyo Rasuulkiisa: kuwan weeye kuwa ah run badnayaasha.
وَالَّذِينَ تَبَوَّءُوا الدَّارَ وَالْإِيمَانَ مِنْ قَبْلِهِمْ يُحِبُّونَ مَنْ هَاجَرَ إِلَيْهِمْ وَلَا يَجِدُونَ فِي صُدُورِهِمْ حَاجَةً مِمَّا أُوتُوا وَيُؤْثِرُونَ عَلَىٰ أَنْفُسِهِمْ وَلَوْ كَانَ بِهِمْ خَصَاصَةٌ ۚ وَمَنْ يُوقَ شُحَّ نَفْسِهِ فَأُولَٰئِكَ هُمُ الْمُفْلِحُونَ
Kuwii (Ansaarta) degganaa Daarta (Madiina) ee (qaatay) Iimaanka ka hor (intaysan u soo hijroon walaalahood muhaajiriinta). Waxay jecel yihiin kuwaa u soo haajiray xaggooda, kamana helaan laabahooda wax u hanqal taag ah wax ka mid ah waxa (muhaajiriinta) la siiyey, waxayse ka hormariyaan (oo uga dooraan) nafahooda, inkastaba iyagu faqri ha hayee. Qofkii laga dhowro bakhaylnimada naftiisa, kuwaa weeye kuwa ah liibaanayaasha.
وَالَّذِينَ جَاءُوا مِنْ بَعْدِهِمْ يَقُولُونَ رَبَّنَا اغْفِرْ لَنَا وَلِإِخْوَانِنَا الَّذِينَ سَبَقُونَا بِالْإِيمَانِ وَلَا تَجْعَلْ فِي قُلُوبِنَا غِلًّا لِلَّذِينَ آمَنُوا رَبَّنَا إِنَّكَ رَءُوفٌ رَحِيمٌ
Kuwa yimaada (asxaabta Nabiga) kaddib waxay dhihi : Rabbigayow, Noo denbi dhaaf innaga iyo kuwaa walaalahayaga ah ee nooga horreeyey Iimaanka, hana u gelin quluubtayada wax naceyb ah kuwa (xaqa) rumeeyey. Rabbigayow! Waxaad tahay Turid Badane, Naxariis Badan.
أَلَمْ تَرَ إِلَى الَّذِينَ نَافَقُوا يَقُولُونَ لِإِخْوَانِهِمُ الَّذِينَ كَفَرُوا مِنْ أَهْلِ الْكِتَابِ لَئِنْ أُخْرِجْتُمْ لَنَخْرُجَنَّ مَعَكُمْ وَلَا نُطِيعُ فِيكُمْ أَحَدًا أَبَدًا وَإِنْ قُوتِلْتُمْ لَنَنْصُرَنَّكُمْ وَاللَّهُ يَشْهَدُ إِنَّهُمْ لَكَاذِبُونَ
Ma waadan arag kuwaa munaafiqiinta ah ee ku leh kuwaa walaalahood ah ee gaaloobay oo ka mid ah ehlu-Kitaabka: Haddii la idin saaro, waa idin la baxeynaa, mana jiro cid aan idiin maqleyno weligeed, haddii la idinla dagaallamana waan idiin soo hiillin. Alle baana ka Marag ah inay yihiin beenalayaal.
لَئِنْ أُخْرِجُوا لَا يَخْرُجُونَ مَعَهُمْ وَلَئِنْ قُوتِلُوا لَا يَنْصُرُونَهُمْ وَلَئِنْ نَصَرُوهُمْ لَيُوَلُّنَّ الْأَدْبَارَ ثُمَّ لَا يُنْصَرُونَ
Haddii la saaro (Yuhuuddaa), marnaba (munaafiqiinta) lama baxayaan, haddii lala daggaalamana, marnaba uma soo hiillinayaan, hadday u soo hiilliyaanna dhabarkay jeedin, loomana gargaarayo.
لَأَنْتُمْ أَشَدُّ رَهْبَةً فِي صُدُورِهِمْ مِنَ اللَّهِ ۚ ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمْ قَوْمٌ لَا يَفْقَهُونَ
Idinka (Mu'miniinta ah) cabsida ay idiinku hayaan (Yuhuuddaa iyo munaafiqiintaa) laabahooda baa ka daran tay ugu hayaan Alle. Sidaas waxaa ugu wacan waa qolo aan wax fahmin.
لَا يُقَاتِلُونَكُمْ جَمِيعًا إِلَّا فِي قُرًى مُحَصَّنَةٍ أَوْ مِنْ وَرَاءِ جُدُرٍ ۚ بَأْسُهُمْ بَيْنَهُمْ شَدِيدٌ ۚ تَحْسَبُهُمْ جَمِيعًا وَقُلُوبُهُمْ شَتَّىٰ ۚ ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمْ قَوْمٌ لَا يَعْقِلُونَ
Idiinlama dirirayaan (Yuhuudda) qof ahaan inay ku jiraan maahee meelo dhufeysyo adag leh gudahood ama gidaarro gadaashood. Cadaawadda dhexdooda ah baa daran. Waxaad moodeysaa inay yihiin kuwo wada jira, quluubtoodu se waa qaybsan yihiin, arrinkaasi waxaa ugu wacan waa qolo aan garasho lahayn.
كَمَثَلِ الَّذِينَ مِنْ قَبْلِهِمْ قَرِيبًا ۖ ذَاقُوا وَبَالَ أَمْرِهِمْ وَلَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ
Waa sida kuwii iyaga wax yar ka horreeyey. Waxay dhadhamiyeen cidhib xumadii arrinkooda, waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan.
كَمَثَلِ الشَّيْطَانِ إِذْ قَالَ لِلْإِنْسَانِ اكْفُرْ فَلَمَّا كَفَرَ قَالَ إِنِّي بَرِيءٌ مِنْكَ إِنِّي أَخَافُ اللَّهَ رَبَّ الْعَالَمِينَ
(Munaafiqiinta iyo gaaladaa xaalkoodu) waa sida Shaydaanka ku yidhaahda aadmiga: Gaalow. Markase uu gaaloobo, yidhaahda: Anigu barii baan kaa ahay, anigu waxaan ka cabsan Alle, Rabbiga uumanka.
فَكَانَ عَاقِبَتَهُمَا أَنَّهُمَا فِي النَّارِ خَالِدَيْنِ فِيهَا ۚ وَذَٰلِكَ جَزَاءُ الظَّالِمِينَ
Sidaa awgeed cidhibtooda waa inay ahaan Naarta gudaheed, iyagoo ku dhex waaraya weligood. Waana sidaas abaal marinta daalimiinta (gar ma qaatayaasha).
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا اتَّقُوا اللَّهَ وَلْتَنْظُرْ نَفْسٌ مَا قَدَّمَتْ لِغَدٍ ۖ وَاتَّقُوا اللَّهَ ۚ إِنَّ اللَّهَ خَبِيرٌ بِمَا تَعْمَلُونَ
Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Dhowra (amarrada) Alle, naf walbana ha eegto waxay u hormarsatay berritoole (Qiyaamaha), kana dhowrsada xumaha. Hubaal Alle waa u xog ogaal waxaad fashaan.
وَلَا تَكُونُوا كَالَّذِينَ نَسُوا اللَّهَ فَأَنْسَاهُمْ أَنْفُسَهُمْ ۚ أُولَٰئِكَ هُمُ الْفَاسِقُونَ
Ha ahaannina sida kuwa hilmaamay Alle, Isna markaas uu hilmaansiiyey nafahooda (inay camal san u fashaan): kuwan weeye kuwa ah fallaagada.
لَا يَسْتَوِي أَصْحَابُ النَّارِ وَأَصْحَابُ الْجَنَّةِ ۚ أَصْحَابُ الْجَنَّةِ هُمُ الْفَائِزُونَ
Ma sinna Ehlu-Naarka iyo Ehlu- Jannaha. Ehlu-Jannaha iyaga weeye kuwa ah liibaanayaasha.
لَوْ أَنْزَلْنَا هَٰذَا الْقُرْآنَ عَلَىٰ جَبَلٍ لَرَأَيْتَهُ خَاشِعًا مُتَصَدِّعًا مِنْ خَشْيَةِ اللَّهِ ۚ وَتِلْكَ الْأَمْثَالُ نَضْرِبُهَا لِلنَّاسِ لَعَلَّهُمْ يَتَفَكَّرُونَ
Haddaan ku soo dejin laheyn Qur’aankan buur, waxaad arki lahayd buurtiyoo soo dhacaysa, la dillaacaysa cabsida iyo ka heybeysiga Alle darti. Waxaana u soo qaadannaa tusaalooyinkan dadka bal inay fekeraan.
هُوَ اللَّهُ الَّذِي لَا إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ ۖ عَالِمُ الْغَيْبِ وَالشَّهَادَةِ ۖ هُوَ الرَّحْمَٰنُ الرَّحِيمُ
Waa Allaah, uusan jirin ilaah kale (oo xaq lagu caabudo) Isaga maahee, Ogsoonaha waxa aan muuqan iyo waxa muuqda. Waa Naxariistaha, Naxariista Badan.
هُوَ اللَّهُ الَّذِي لَا إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ الْمَلِكُ الْقُدُّوسُ السَّلَامُ الْمُؤْمِنُ الْمُهَيْمِنُ الْعَزِيزُ الْجَبَّارُ الْمُتَكَبِّرُ ۚ سُبْحَانَ اللَّهِ عَمَّا يُشْرِكُونَ
Waa Allaah, uusan jirin Ilaah kale (oo Xaq ah) Isaga maahee, waa Boqorka, Daahirka; Nabadgeliyaha, Ammaan bixiyaha, Kor ka Ilaashaha, Adkaadaha, Kabaha, (Sandulleeyaha islaweynayaasha), ee iska leh Weynaan oo dhan, Xurmo oo idil waxaa iska leh oo Hufan Alle wuu ka Sarreeya waxay shariig u yeelaan oo ay wax la wadaajiyaan.
هُوَ اللَّهُ الْخَالِقُ الْبَارِئُ الْمُصَوِّرُ ۖ لَهُ الْأَسْمَاءُ الْحُسْنَىٰ ۚ يُسَبِّحُ لَهُ مَا فِي السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ ۖ وَهُوَ الْعَزِيزُ الْحَكِيمُ
Alle waa Abuuraha, uumaha wax waliba, sawiraha qaabsiiyaha ah. Isagaa leh Magacyada wanaagsan ee quruxda badan. Waxaa (Alle) Xurmo weyneeya oo ka hufa (xumaan) waxa ku sugan samooyinka iyo arlada, Waana Adkaadaha, Xakiimka ah.