4Markaad aragto (munaafiqiinta) wuu ku cajab gelin muuqaalka jirarkooda; hadday hadlaanna, waad dhageysan hadalkooda, waxaad mooddaa dogobyo la tiirtiiriyey oo dhar la huwshay. Waxay moodi dhawaaq walba in iyaga loogu dan leeyahay. Waa iyaga cadowga, ee ka digtoonow. Allaha baabbi’iyee! Xaggee looga iilay (Xaqa)?
6Waa isugu mid haddaad u denbi dhaaf dalabto (Nabiyow) iyo haddaadan u denbi dhaaf dalbin. Marnaba Alle u denbi dhaafi maayo. Alle ma hanuuniyo qolada caasiyaasha ah (fallaagada).
7Iyaga weeye kuwa yidhaahda: Wax ha ku bixinnana kuwa la jira Rasuulka Alle, jeeray ka kala yaacaan. Alle baa iska leh khasnadaha samooyinka iyo arlada, munaafiqiintuse ma fahansana.
8Waxay (munaafiqiintu) yidhaahdaan: Markaan u laabanno Madiina, kan gobta ahi wuxuu ka saari halkaa kan gunta ahi, Allaah baa se iska leh Sharaf iyo Cizoo dhan (sidaa awgeed waxay u ahaan cizo) Rasuulkiisa, iyo mu’miniinta, munaafiqiintuse ma oga.
10Oo bixiya wax ka mid ah waxa aanu idin siinnay, inta aysan geeridu u iman midkiin oo markaas odhan: Rabbiyow! Maad muddo dhow dib ii dhigtid, markaa waxaan la baxayaa sadaqo oo ka mid ahaan kuwa wanaagga fala.