Al-A'raf 7:71

Compare 2 Somali translations

قَالَ قَدْ وَقَعَ عَلَيْكُمْ مِنْ رَبِّكُمْ رِجْسٌ وَغَضَبٌ ۖ أَتُجَادِلُونَنِي فِي أَسْمَاءٍ سَمَّيْتُمُوهَا أَنْتُمْ وَآبَاؤُكُمْ مَا نَزَّلَ اللَّهُ بِهَا مِنْ سُلْطَانٍ ۚ فَانْتَظِرُوا إِنِّي مَعَكُمْ مِنَ الْمُنْتَظِرِينَ

القرآن الكريم

DragHold to move · × to hide

Wuxuu yidhi: Waxaa idiinkaga dhacay xagga Rabbigiin Cadaab iyo Cadho. Ma waxaad igala doodaysaan arrinka magacyo (sanamo) aad bixiseen idinka iyo aabbayaashiin? Alle uma soo dejin wax xujo ah; ee suga (waxa idinku dhaca), anigana sidoo kale waan idinla sugiye.

Abdullah Hasan Yaqoub

wuxuu yidhi waxaa idinkaga Dhacaya Xagga Eebe Cadaab iyo Cadho ma waxaad igula Murmaysaan Magacyo ood Magacoowdeen idinka iyo Aabayaalkiin oon Eebe u soo Dejinin Xujo, Suga anna waan idinla Sugiye.

Mahmud Muhammad Abduh