The Rolling · at-Takwir · سورة التكوير · 29 ayahs

بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ

Waxaan Ku billaabi Magaca Alle, Naxariistaha (Naxariis guud ahaaneed), Naxariista badan.

إِذَا الشَّمْسُ كُوِّرَتْ

Marka qorraxda la duubo (oo la iftiin tiro),

وَإِذَا النُّجُومُ انْكَدَرَتْ

Oo xiddiguhu daataan (oo nuurkoodu tago),

وَإِذَا الْجِبَالُ سُيِّرَتْ

Oo buuraha la rujiyo 'oo budo noqdaan'.

وَإِذَا الْعِشَارُ عُطِّلَتْ

Oo geela rimman la cidleeyo (oo laga hayaamo).

وَإِذَا الْوُحُوشُ حُشِرَتْ

Oo dugaagga la soo wada kulmiyo (qisaas darteed).

وَإِذَا الْبِحَارُ سُجِّرَتْ

Oo badaha la shido (ama isku soo fatahmaan);

وَإِذَا النُّفُوسُ زُوِّجَتْ

Oo nafaha lagu lammaaniyo jirarkoodii;

وَإِذَا الْمَوْءُودَةُ سُئِلَتْ

8.Oo (tii kastoo yaraan) lagu nolol xabaalay la weydiiyo,

بِأَيِّ ذَنْبٍ قُتِلَتْ

Maxaa denbi ahoo loo dilay?

وَإِذَا الصُّحُفُ نُشِرَتْ

Marka kutubta (acmaasha aadmiga ee malaa'igtu qorayeen) la fidiyo.

وَإِذَا السَّمَاءُ كُشِطَتْ

Oo samada laga rujiyo meesheeda,

وَإِذَا الْجَحِيمُ سُعِّرَتْ

Oo Naarta la huriyo.

وَإِذَا الْجَنَّةُ أُزْلِفَتْ

Oo Jannada la soo dhoweeyo.

عَلِمَتْ نَفْسٌ مَا أَحْضَرَتْ

Waxay ogaan nafi waxay la timid (khayr ama shar).

فَلَا أُقْسِمُ بِالْخُنَّسِ

Waxaan ku dhaartay xiddigaha qarsooma (maalintii).

الْجَوَارِ الْكُنَّسِ

Ee ku socda rugahooda ee qarsoomee (dhaca).

وَاللَّيْلِ إِذَا عَسْعَسَ

Iyo habeenka markuu yimaado (ama tago).

وَالصُّبْحِ إِذَا تَنَفَّسَ

Iyo subaxu markuu neefsado (oo soo baxo iftiinkiisa).

إِنَّهُ لَقَوْلُ رَسُولٍ كَرِيمٍ

Hubaal kani (Qur'aanka) waa hadal 'Alle' uu keenay Rasuul sharaf badan (Jabriil).

ذِي قُوَّةٍ عِنْدَ ذِي الْعَرْشِ مَكِينٍ

Awood iyo meeqaan sare ku leh (Alle) agtiis, Rabbiga Carshiga Weyn,

مُطَاعٍ ثَمَّ أَمِينٍ

La adeeco, haddana aamin ah kalsooni lagu qabo.

وَمَا صَاحِبُكُمْ بِمَجْنُونٍ

Saaxiibkiin (Nabi Muxammad) ma aha jinnoole.

وَلَقَدْ رَآهُ بِالْأُفُقِ الْمُبِينِ

Horay buuna ugu arkay (Jabriil) jihada cad (dhinaca qorrax soo baxa).

وَمَا هُوَ عَلَى الْغَيْبِ بِضَنِينٍ

Ma aha (Nabi Muxammad) mid ceshada 'bakheyla amaba looga shakiyo' cilmiga ku saabsan Ghaybka 'ee Qarsoon'.

وَمَا هُوَ بِقَوْلِ شَيْطَانٍ رَجِيمٍ

(Qur’aankuna) ma aha hadalka Shaydaan laga fogeeyey (Naxariista Alle).

فَأَيْنَ تَذْهَبُونَ

Ee xaggee 'gaalooy' aadeysaan?

إِنْ هُوَ إِلَّا ذِكْرٌ لِلْعَالَمِينَ

(Qur’aanku) ma aha waxaan aheyn Waano ku socota ummadaha oo dhan.

لِمَنْ شَاءَ مِنْكُمْ أَنْ يَسْتَقِيمَ

Qofkii idinka mid ah ee dooni inuu (ku) toosnaado (Xaqa).

وَمَا تَشَاءُونَ إِلَّا أَنْ يَشَاءَ اللَّهُ رَبُّ الْعَالَمِينَ

Oo waxna ma dooni kartaan wuxuu Alle doono maahee, Rabbiga uumanka.