The Rupture · al-Inshiqaq · سورة الانشقاق · 25 ayahs

بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ

Waxaan Ku billaabi Magaca Alle, Naxariistaha (Naxariis guud ahaaneed), Naxariista badan.

إِذَا السَّمَاءُ انْشَقَّتْ

Markay samadu dildillaacdo (Qiyaamada).

وَأَذِنَتْ لِرَبِّهَا وَحُقَّتْ

Oo ay adeecdo Rabbigeed, waana xaq inay adeecdo;

وَإِذَا الْأَرْضُ مُدَّتْ

Marka arlada la fidiyo,

وَأَلْقَتْ مَا فِيهَا وَتَخَلَّتْ

Oo u soo tuurto debedda waxa gudaheeda ku jira oo ka marnaato,

وَأَذِنَتْ لِرَبِّهَا وَحُقَّتْ

Oo ay adeecdo Rabbigeed, waana xaq inay adeecdo.

يَا أَيُّهَا الْإِنْسَانُ إِنَّكَ كَادِحٌ إِلَىٰ رَبِّكَ كَدْحًا فَمُلَاقِيهِ

Qofyahow! Waad dhibboon oo u camal fali xagga Rabbigaa, waadna la kulmi.

فَأَمَّا مَنْ أُوتِيَ كِتَابَهُ بِيَمِينِهِ

Ee ma kan lagu siiyo Kitaabkiisa gacantiisa midig,

فَسَوْفَ يُحَاسَبُ حِسَابًا يَسِيرًا

Waxaa la xisaabin xisaab fudud.

وَيَنْقَلِبُ إِلَىٰ أَهْلِهِ مَسْرُورًا

Wuxuu u laaban ehelkiisa (Jannada ku sugan) isagoo faraxsan.

وَأَمَّا مَنْ أُوتِيَ كِتَابَهُ وَرَاءَ ظَهْرِهِ

Kanse laga siiyo Kitaabkiisa dhabarkiisa gadaashiisa,

فَسَوْفَ يَدْعُو ثُبُورًا

Wuxuu u yeedhan hoog iyo ba'.

وَيَصْلَىٰ سَعِيرًا

Oo geli naar ololeysa oo hur badan.

إِنَّهُ كَانَ فِي أَهْلِهِ مَسْرُورًا

Wuxuu ahaa xaqiiq mid Ehelkiisa dhexdooda (waagii adduunka) kibirsan.

إِنَّهُ ظَنَّ أَنْ لَنْ يَحُورَ

Wuxuu xaqiiq moodayey inuusan marnaba (u) soo noqoneyn (Xaggayaga).

بَلَىٰ إِنَّ رَبَّهُ كَانَ بِهِ بَصِيرًا

Haayoo, hubaal, Rabbigiis baa u jeeday.

فَلَا أُقْسِمُ بِالشَّفَقِ

Mayee, Waxaan ku dhaartay cir gaduudda gabbal dhac;

وَاللَّيْلِ وَمَا وَسَقَ

Iyo habeenka iyo wuxuu qariyo;

وَالْقَمَرِ إِذَا اتَّسَقَ

Iyo dayaxa markuu buuxsamo.

لَتَرْكَبُنَّ طَبَقًا عَنْ طَبَقٍ

Waxaad (dadow) mari heerar kala duwan (noloshan iyo Aakhiradaba).

فَمَا لَهُمْ لَا يُؤْمِنُونَ

Muxuuse arrinkoodu yahay inaysan rumeyn xaqa?

وَإِذَا قُرِئَ عَلَيْهِمُ الْقُرْآنُ لَا يَسْجُدُونَ ۩

Marka Qur’aanka loo akhriyana uma sujuudaan Rabbigood (umana hoggansamaan)?

بَلِ الَّذِينَ كَفَرُوا يُكَذِّبُونَ

Waxayse kuwa gaalooba beeniyaan (Xaqa).

وَاللَّهُ أَعْلَمُ بِمَا يُوعُونَ

Oo Alle waa og yahay waxay qarsan.

فَبَشِّرْهُمْ بِعَذَابٍ أَلِيمٍ

Ee ugu bishaaree cadaab xanuun badan.

إِلَّا الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ لَهُمْ أَجْرٌ غَيْرُ مَمْنُونٍ

Hase yeeshee kuwa (xaqa) rumeeyey oo samaha fala waxay leeyihiin abaalgud aan marnaba go’eynin (waa Jannada'e).