وَالضُّحَىٰ
Waxaan ku dhaartay Barqada.
بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ
Waxaan Ku billaabi Magaca Alle, Naxariistaha (Naxariis guud ahaaneed), Naxariista badan.
وَالضُّحَىٰ
Waxaan ku dhaartay Barqada.
وَاللَّيْلِ إِذَا سَجَىٰ
Iyo habeenka markuu xasilo (madoobaado).
مَا وَدَّعَكَ رَبُّكَ وَمَا قَلَىٰ
Rabbigaa kaama tagin (Nabi Muxammadow), mana uu kuu cadhoon.
وَلَلْآخِرَةُ خَيْرٌ لَكَ مِنَ الْأُولَىٰ
Aakhiro baa kaaga khayr badan noloshatan (hore ee adduunka).
وَلَسَوْفَ يُعْطِيكَ رَبُّكَ فَتَرْضَىٰ
Rabbigaa baa ku siin (khayr badan), waadna raalli noqon.
أَلَمْ يَجِدْكَ يَتِيمًا فَآوَىٰ
Miyuusan ku helin adigoo agoon ah oo ku hoyaadin?
وَوَجَدَكَ ضَالًّا فَهَدَىٰ
Oo ku helin adigoo habowsan oo kuma hanuunin?
وَوَجَدَكَ عَائِلًا فَأَغْنَىٰ
Oo ku helin adigoo caydh ah oo kuma hodmin?
فَأَمَّا الْيَتِيمَ فَلَا تَقْهَرْ
Ee agoon, ha dhibin.
وَأَمَّا السَّائِلَ فَلَا تَنْهَرْ
10.Kan wax ku weydiistana, ha ku qeylin.
وَأَمَّا بِنِعْمَةِ رَبِّكَ فَحَدِّثْ
Nicmadda Rabbigaana (Islaamka, Towxiidka, Qur'aanka, Xaqa, sheeg (oo ka mahad celi).