The Backbiter · al-Humazah · سورة الهمزة · 9 ayahs

بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ

Waxaan Ku billaabi Magaca Alle, Naxariistaha (Naxariis guud ahaaneed), Naxariista badan.

وَيْلٌ لِكُلِّ هُمَزَةٍ لُمَزَةٍ

Hoog waxaa leh dure kasta, wax xanta.

الَّذِي جَمَعَ مَالًا وَعَدَّدَهُ

Kaasoo maal ururiya oo u heysta sahay ahaan (aanse ka bixin xaqa lagu leeyahay: sakada, iwm);

يَحْسَبُ أَنَّ مَالَهُ أَخْلَدَهُ

Wuxuu moodaa in maalkiisu waarin.

كَلَّا ۖ لَيُنْبَذَنَّ فِي الْحُطَمَةِ

Mayee! Waxaa lagu tuuri burburisada.

وَمَا أَدْرَاكَ مَا الْحُطَمَةُ

Maxaa ku ogeysiiyeyna waxay burburisadu tahay?

نَارُ اللَّهِ الْمُوقَدَةُ

Waa Naar Alle oo la huriyey.

الَّتِي تَطَّلِعُ عَلَى الْأَفْئِدَةِ

Ee kor ugu baxda quluubta dushooda (iyadoo gubeysa),

إِنَّهَا عَلَيْهِمْ مُؤْصَدَةٌ

Waxaa lagaga xidhi dusha (gaalada).

فِي عَمَدٍ مُمَدَّدَةٍ

Tiirar la taagay dhexdood.