Quraish · Quraysh · سورة قريش · 4 ayahs

بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ

Waxaan Ku billaabi Magaca Alle, Naxariistaha (Naxariis guud ahaaneed), Naxariista badan.

لِإِيلَافِ قُرَيْشٍ

Caadeysigii Quraysh darteed.

إِيلَافِهِمْ رِحْلَةَ الشِّتَاءِ وَالصَّيْفِ

Ay ka caada yeesheen safarka xagaaga iyo jilaalka (si nabdoonaan ah ganacsiga).

فَلْيَعْبُدُوا رَبَّ هَٰذَا الْبَيْتِ

Ee ha caabudeen Rabbiga Baytkan (Kacbada Makkah ku taal).

الَّذِي أَطْعَمَهُمْ مِنْ جُوعٍ وَآمَنَهُمْ مِنْ خَوْفٍ

Kaasoo ka quudiyey gaajo, kana aamin yeelay cabsi.