Clot · al-'Alaq · سورة العلق · 19 ayahs

بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ

Waxaan Ku billaabi Magaca Alle, Naxariistaha (Naxariis guud ahaaneed), Naxariista badan.

اقْرَأْ بِاسْمِ رَبِّكَ الَّذِي خَلَقَ

Ku akhri 'Nabiyow' Magaca Rabbigaa ee abuuray (wax waliba).

خَلَقَ الْإِنْسَانَ مِنْ عَلَقٍ

Ka abuuray aadmiga xinjir.

اقْرَأْ وَرَبُّكَ الْأَكْرَمُ

Akhri! Rabbigaana waa Sharaf Badnaha,

الَّذِي عَلَّمَ بِالْقَلَمِ

(Dadka) baray sida wax loogu qoro qalinka.

عَلَّمَ الْإِنْسَانَ مَا لَمْ يَعْلَمْ

Baray Aadmiga wax uusan aqoon.

كَلَّا إِنَّ الْإِنْسَانَ لَيَطْغَىٰ

Mayee! Aadmigu (kan gaalka ahi) wuu xadgudbaa oo kibraa.

أَنْ رَآهُ اسْتَغْنَىٰ

Markuu isku ogaado Hodantinnimo iyo deeqtoonaan.

إِنَّ إِلَىٰ رَبِّكَ الرُّجْعَىٰ

Hubaal! Waa xagga Rabbigaa noqodku.

أَرَأَيْتَ الَّذِي يَنْهَىٰ

Ka warran midka ka reeba.

عَبْدًا إِذَا صَلَّىٰ

Addoon (Alle) oo tukan salaad?

أَرَأَيْتَ إِنْ كَانَ عَلَى الْهُدَىٰ

Bal ka warran hadduu ku sugan yahay (addoonkaa) jid toosan?

أَوْ أَمَرَ بِالتَّقْوَىٰ

Amaba uu amro Alle ka cabsiga iyo xume ka dhowrsiga?

أَرَأَيْتَ إِنْ كَذَّبَ وَتَوَلَّىٰ

Bal ka warran hadduu kaasina (gaalka ahi) beeniyo Xaqa, kana jeesado?

أَلَمْ يَعْلَمْ بِأَنَّ اللَّهَ يَرَىٰ

Mawuusan ogeyn in Alle arko?

كَلَّا لَئِنْ لَمْ يَنْتَهِ لَنَسْفَعًا بِالنَّاصِيَةِ

Mayee! Haddii uusan meel joogin, waxaanu hubaal qaban foodda,

نَاصِيَةٍ كَاذِبَةٍ خَاطِئَةٍ

Food beenley ah oo gefley ah.

فَلْيَدْعُ نَادِيَهُ

Ha u yeedho golihiisa.

سَنَدْعُ الزَّبَانِيَةَ

Waxaanu u yeedhi malaa’ig daran.

كَلَّا لَا تُطِعْهُ وَاسْجُدْ وَاقْتَرِبْ ۩

Mayee, ha adeecin oo sujuud, una dhowow (Alle).